DHAGEYSO:- Doorashadii ugu adkeyd oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Cadaado

0

Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ee Maamulka Galmudug waxaa Maanta ka dhacaya doorashada xubnaha Aqalka Hoose Galmudug u metelaya Baarlamaanka soo socda.

Ilaa 25 Musharax ayaa u tartamaya Xilka Xildhibaanimo ee Aqalka Hoose kuwaasi oo ka kala tartamaya gobolada iyo deegaanada Galmudug.

Musharixinta tartamaya waxaa ka mid ah Xildhibaano hada ku jira baarlamaanka Waqtigiisu dhamaaday, Wasiiro iyo laba ka mid ah Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Gudiga Doorahsada Galmudug, Yuusuf Diiriye ayaa sheegay in doorashda ay bilaaban doonto Sagaalka subaxnimo ee Maanta si loo dardar galiyo howsha.

Hoos ka Dhageyso Codka:-