Caruurta Nigeria oo halis ugu jira inay macluul u dhintaan

0

Qaramada Midoobey waxay sheegeysaa in 14 milyan oo qof oo ku nool Nigeria ay kaalmo u baahan doonaan.

UN ayaa xaqiijisay in dadkaasi ay ku nool yihiin Waqooyi-Bari Nigeria, halkaas oo tobannaan kun oo caruur ah ay halis ugu jiraan inay u dhintaan macluul.

Gobolkaasi waa meeshii ay ku xoog badnaan jirtay Boko Xaraam, oo qeybo ka mid ah dib looga saaray.

Shaqaalaha arrimaha gargaarka ka shaqeeya ayaa sanado badan awood u yeelan inay deegaanadaasi gaaraan.

Xaaladda macluusha ee ugu daran waxaa laga soo sheegayaa maamul goboleedyada Borno, Yobe iyo Adamawa.

Hay’adda caruurta u qaabilsan UN, Unicef ayaa tilmaamtay in ay u maleyneyso in 45 kun oo caruur ah ay halis ku jiraan.

Xilli sii horeysay, hay’adda caafimaadka ka shaqeysa ee MSF waxay sheegtay in tiro caruur ah oo ay ku caawisay xeryo qaxooti ay xaaladooda aad uga xuntahay sidii la filayay.

Hay’adda ayaa intaa raacisay inay rumeysan tahay in kala bar caruurta xaaladoodu xuntahay ay dhinteen.