DHAGEYSO+AKHRISO:- Magacyada Xubnaha Aqalka Hoose ee lagu doortay Magaalada Cadaado

0

Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug ayaa maanta waxaa lagu qabtay Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Maamulka Galmudug.

Ergooyinka ku sugan Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug ayaa soo dooranaya xubnaha ay u arkaan in ay u qalmaan xilkan.

Xubnaha maanta la doortay oo tiradooda ay gaareyso 8 xubnood ayaa waxa ay kala yihiin.

1.Xuseen Qaasim Yuusuf

2.Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow

3.Bootaan Ciise Caalin

4.Xasan Macalin Maxamuud

5.Maxamed Cabdulle Faarax (Geesey)

6.Xirsi Aadan Rooble

7.Saadaq C/kariin Xaaji Ibrahim

8.C/laahi Cali Axmed

Maalinta beri ah ayaa la filayaa in Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ay ka sii socoto Magaalada Cadaado.