XOG CUSUB:- Farmaajo Oo Ku Dhow Inuu Ka Laabte Musharraxnimadiisa SABABTA AKHRI

0

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa xilligaan ku dhow inuu ka laabto musharraxnimadiisa 2016 kadib niyad jab weyn oo soo wajahay.

Farmaajo ayaa hadda waxa uu weysan yahay taageero badan oo dhanka caalamka ah, kadib markii garabkiisa ay ka baxeen dalal Mareykanka uu kamid yahay, kuwaasi  oo horey ballanqaad uu uga heystay.

Farmaajo ayaa la saadaalinayey  inuu kamid noqon doono xubnaha ugu cadcad ee doorashada Soomaaaliya, hase ahaatee hadda oo aanu weli dalka imaan ayaan haysan meel uu la qabsi ka sameeyo.

Musharraxiinta uu Xasan Sheekh kamid yahay ayaa mar hore sii kala xushay xildhibaannada oo qaarkood ay iyaga meesha geysteen, waana midda keentay rajo xumada.

Waxaa laga yaabaa in Farmaajo uu ku dhowaaqo inuusan ahayn musharrax, balse wuxu waa siyaasad oo saacadaha dambe ee ololaha ayeey wax walbo isbedali karaan.