XOG CULUS:- Madaxweyne Shariif Xasan Iyo Jawaari Oo Taariikh Kala Qabsatey-Maxaa dhex maray ?

0

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa taariikh waxay ku kala qabsatey magaalada Baydhabo, iyadoo Labada mas’uul ay isku dheggan yihiin.

Shariif Xasan ayaa ka dalbadey Jawaari inuu ka leexdo u tartanka kursiga guddoomiyaha baarlamaanka, si Koonfur Galbeed dhankeeda u helaan Madaxweyne ama ugu yaraan ra’iisul wasaare.

Taasi waxaa ka diidey Jawaari oo sheegay inuu yahay mar walbo musharrax u taagan xilka madaxweynaha guddoomiyaha baarlamaanka, islamarkaana uu ku haminayo in mar kale uu soo laabto.

Shariif Xasan aad buu arrinkaasi uga caroodey, waxaana uu sheegay inuu aad u jeclaan lahaa in isaga uu noqdo Madaxweyne, sidaasi darteedna Jawaari aanu caqabad keenin.

Jawaari ayaa mar kale doonaya inuu isku soo sharaxo xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, waxaana taasi ay walwal xooggan ku tahay Shariif Xasan oo ah shaqsi doonaya inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya.