XASAASI:- Wasiirkii Galmudug ee Xabsiga la dhigay oo Afka furtay Xogo dhowr ahna soo bandhigay

0

Shalay Ciidamada Ammaanka Maamulka Galmudug waxaa ay Xabsiga dhigeen Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Galmudug Maxamed Maxamuud Guure iyo Saddex Qof oo kale islamarkaana uu ku jiro Nin Nabaddoon ah.

Saraakiisha Amniga Galmudug ayaa sheegay in Sababta loo xiray Wasiir Guure iyo Ragga la socda ay aheyd Shaqaaqo ay Ilaalada Wasiirka Howlaha Guud ka sameeyeen xarunta Doorashada Magaalada Cadaado ee Maamulka Galmudug islamarkaana Sababtaas loo xiray.

Wasiirka Howlaha Guud Maxamed Maxamuud Guure ayaa beeniyay Wararka sheegaya in Ilaaladiisu ay Weerar ku qaaday Xarunta Doorashada Cadaado,waxaana uu Xusay in Asaga iyo Nabaddoono la socday la Afduubtay.

Wasiir Guure ayaa intaa ku daray in Dad Dano gaar ah leh ay ka dambeeyaan xariga iyo Wararka been abuurka ah ee sheegaya in Ciidanka Ilaalada u ah Wasiir guure ay Weerar ku qaadeen Xarunta lagu dooranayo Xubnaha Aqalka Hoose ee galmudug sida uu hadalka u dhigay.

Magaalada Cadaado oo ay ka socoto Doorashada Aqalka Hoose ayaa waxaa ka jirta Is qab qabsi beelaha dhexdooda ah oo ku aadan Qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada soo galaya Baarlamaanka soo socda.