WARBIXIN:- 20,000 Carruur ah oo ka Barakacay Dagaalka Gaalkacyo

0

Hay’adda UNICEF aya asheegtay in dad tiradoodu ay ka badan tahay 90,000 qof, oo ay ka mid yihiin ugu yaraan 20,000 carruur ah oo dugsiyo dhiganayey ay ku barakaceen dagaaladii magaalada Gaalkacyo.

Sida lagu sheegay warbixinta UNICEF, qaar badan oo ka mid ah carruurta soo barokacay ee ka cararey Galkaco ayaa ah kuwo si gaar ah u baylahsan, maaddaama tiro aad u badan oo ka mid ah carruurtaasi ay horey u ahaayeen kuwo ka soo barokacay halkii ay asal ahaan degganaan jireen oo waqtiganna ku noolaa degsiimooyinka Dadka Gudaha Ku Barokacay.

“Macallimiin ayaa ku dhaawacmey, afar dugsi oo ku yaalla Gaalkacyo ayaa dhibaato soo gaadhey, waxaana la xirey afar dugsi oo ku yaalla magaalada bannaankeeda maaddaama ay hadda deggan yihiin qaar ka mid ah dadkii soo barokacay. Dugsiyada weli shaqeynaya ayaa ay ardaydu aad ugu badatey oo ciriiri badan uu ka dhex jiraa” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay UNICEF.

“Xaaladdu waa mid aad ugu culus carruurta Galkacyo waxaana ay tani saameyn weyn ku yeelan doontaa waxbarashadooda iyo noloshooda,” ayaa uu yiri Steven Lauwerier, oo ah Wakiilka UNICEF Somalia.

UNICEF waxa ay sheegtay inay si gaar ah uga welwelsan tahay shiddada jir ahaan iyo dareen ahaaneed ee barokacinta iyo dagaalku ay sababi karaan.