TOP:- Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo War cusub soo saaray

0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa waxa uu ka hadlay Howlgalka Ciidanka Dowladda ay kula wareegeen Degaanka Miir-taqwe ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa soo dhaweeyay Howlgalkii ay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM kula wareegeen Degaanka Miir-taqwa ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana uu bogaadiyay Ciidanka Dowladda.

Waxa uu sheegay in ay sii socon doonaan Howlgallada ka dhankla ah Shabaab, isagoo sidoo kale sheegay Shabaab in dhowaan laga saari doono Degaanada Hirshabeelle.

Tuulada Miirtaqwe ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay ka mid tahay tuulooyinka hoos yimaada Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.