TOP DHAGEYSO:- Maamulka Hirshabeelle oo ka hadlay doorashada Aqalka Hoose

0

Guddiga Doorashooyinka dadban ee Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay ka hadleen Doorashada Aqalka Hoose ee dhowaan ka dhaceysa Magaalada Jowhar.

Doorashada Aqalka Hoose ee Hirshabeelle ayaa noqoneysa in loo tartamo 37 kursi oo ay ku tartami doonaan xildhibaanadii hore ugu fadhiyay iyo kuwo cusub.

Wajiga koowaad ee Doorashada ayaa waxa ay bilaaban doontaa 16-ka bishan, waxaana lagu tartami doonaa 13 kursi.

Kuraasta ugu horeysa ayaa waxaa lagula tartami doonaa xildhibaano muddo dheer ku fadhiyay iyo qaar kale oo afartii sanadood ee la soo dhaafay ka mid ahaa Golaha Baarlamaanka.

Afhayeenka guddiga doorashgooyinka maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in doorashada ay bilaabaneyso berri.