TOOS ULA SOCO:- Xaaladda Gaalkacyo oo Saaka degan iyo Madaxweyne Gaas oo Booqanaya.

0

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa saaka degan kadib dagaalo kasocdey mudo 40 maalmood kudhow oo lagu soo afmeeray heshiis dhowaan kadhacay islamagaaladaasi.

Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaya aaga jiida hore ayaa sheegaya in weli ciidamada labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ay isku horfadhiyaan meelihii lagu dagaalamay.

Sayladda xanaanada xoolaha Puntland ee xaafadda Garsoor ayaa maraysa heer dhammaad ah, waxaana lafilayaa in dhowaan laga bilaabo shaqadii loo igmaday dhismeheeda.

Magaalada waxaa kasocda kulamo ballaaran oo lagu dardargelinayo dhaqangelinta heshiiskii Gaalkacyo, waxaana lafilayaa in madaxweynaha dowladda Puntland iyo RW Cumar ay maalmahaan magaalada kasii wadaan kulamo nabadeed.