TOOS ULA SOCO:- Saraakiil Ajnabi ah iyo Madaxweynayaasha Gaas iyo Guuleed oo Kulan Xasaasi ah hada uga soconayo Gaalkacyo

0

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo waxaa ka soconaya kulan looga hadlayo Colaadda Magaalada Gaalkacyo oo u dhexeeya Ra’iisul Wasaare Sharmaake,Wakiilka QM ee Soomaaliya iyo Madaxweyneyaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Kulanka oo hadda ka socda Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ayaa looga hadlayaa Dhameystirka Heshiiskii Maalmo ka hor Labada Madaxweyne ay ku kala Saxiixdeen Garoonka Magaalada Gaalkacyo.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale Goobjoog ka ah Odayaasha Dhaqanka Labada Maamul iyo Guddiga Labada Maamul ay u Xilsaareen Dhameystirka Heshiiska Colaadda.