TOOS U DHAGEYSO:- Waxgaradka Puntland oo QM & R/W Cumar C/rashiid u gudbiyay Aragtidooda Xal u helida Gaalkacyo.

0

Shirkii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf ee Gaalkacyo ayaa waxaa faah-faahin ka bixiyay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ah Waxgaradka Gobolka Mudug.

Kulanka oo ahaa mid gooniya, waxaa Odayaasha Puntland waxay soo jeediyeen habka looga gudbi karo caqabada taagan, waxaana Madaxwaynaha Puntland oo ugu horayn kulanka hadal ka jeediyay uu sheegay in Waxgaradka Gobolka loogu yeeray sidii ay usoo gudbin lahaayeen Aragtidooda Xalka magaalada.

Nabadoon Yaasiin ayaa sheegay in ay aragtidooda soo jeediyeen jecel yihiina in deg deg wax looga qabto, iyadoona uu sheegay in xabada lagu badalo wadahadal.

Dhanka Galmudug ayaa aragtidooda soo gudbiyay, waxaana la filayaa marka kulamadaan soo dhamaadaan in Beesha Caalamka iyo dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay samayso qorshe hawleed lagu jeexayo Qariirada Nabada Gaalkacyo.