TOOS U DHAGEYSO:- Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo la wareegay Deegaan Al-Shabaab mudo heysteen

0

Wararka ka imaanaya  Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Dowladda  Soomaaliya ay saaka kala wareegeen ururka Al-Shabaab Tuulada lagu magacaabo Miirtuugo ee gobolka Shabeelaha Dhexe ku taal.

Tuulada Miirtuugo ayaa waxa ay ka mid tahay tuulooyink hoos yimaada degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

C/laahi Maxamed C/laahi oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada  oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in si nabadgelyo ah ay kula wareegeen degaankaan, islamarkaana ay iskaga baxeen Al-Shabaab markii ay kusoo dhawaadeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

C/laahi Maxamed C/laahi ayaa sidoo kale sheegay in xaalada degaanka ay degan tahay islamarkaana ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka wadaan howgallo miino baaris ah.

HALKAAN KA DHAGEYSO