Obama muxuu qaban doonaa Marka Waqtigiisa uu dhamaado Janaayo ?

0

Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday ee dalka Mareykanka ayaa Wareysi uu kal hore bixiyay kaga hadlay shaqada u qorsheesan in uu qabto marka uu xilkiisa dhamaado kana baxo Xafiiska Aqalka Cad ee dalka Mareykanka.

Bracak Obama ayaa sheegay marka uu ka baxo Xafiiska Aqalka Cad bisha Janaano ee sanadka soo socda in uu qorsheenayo in uu noqdo Taksiile uuna doonayo in uu u shaqeeyo Shirakada Takaasida ee Uber Taxi.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Brack Obama in uu nasan doono uuna seexan doono marka uu Aqalka Cad ka baxo mudo labo isbuuc ah kadibna isku diyaarin doono in uu noqdo Taksiile Mareykanka ka xariiftama.

Madaxeynaha dalka Mareykanka ayaa cadeeyay in uu ku faraxsan yahay in uu noqdo Taksiile dadkiisa u shaqeeya, waxa uuna tilmaamay in uu ku faraxsan yahay shaqadan uu doortay uu ku badalayo tii Aqalka cad uu ku dhax jiray mudo 8-sano ah.