NUSOJ oo cambaareysay xariga Radio Galgaduud

0

Ururka Qaranka ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa cambaareeyay falka Ciidanka Ahlu sunna ay ku xireen Radio Galgaduud oo ku yaalla Magaalada Guriceel.

War Qoraal oo ka soo baxay Ururka Qaranka ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Idaacadda Risaala ayaa si kulul loogu cambaareeyay falka lagu xiray Radio Galgaduud.

NUSOJ ayaa sheegtay in ay ka xun tahay falkan lagu xiray Radio Galgaduud, waxaana ay ku baaqday in si deg deg ah loo sii daayo Radio Galgaduud, sidoo kalena lagu soo celiyo qalabkii xarunta laga qaatay.

Ciidanka Ahlu sunna ayaa xalay abaare 10:00 Habeenimo waxa ay gudaha u galeen xarunta Radio Galgaduud uu ku leeyahay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaana ay Hawada ka saareen Idaacadda, iyagoo sidoo kale qaatay qaar ka mid ah qalabkii Idaacadda yaallay.