Kenya oo lagu eedeeyay in ay dhibaato ku heyso Qaxootiga Dhadhaab

0

Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International, ayaa ku eedeeysay dowladda Kenya in ay qaxootiga Dhadhaab ku qasbayso in ay  ku laabtaan dalkooda Soomaaliya.

Amnesty ayaa sheegtay in saraakiisha dowladda ay dadka qaxootiga ah u sheegeen in xoog lagu rari doono haddii aanay iskood u guurin ka hor dhammaadka bishan.

Hay’adda ayaa sidoo kale cambaaraysay Qaramada Midoobay, oo ay sheegtay in aanay dadka u sheegin sida ay khatarta u tahay xaaladda Soomaaliya iyo sida hoyga iyo maciishaduba ciriiriga u yihiin.

Afhayeenka dowladda Kenya, Eric Kiraithe, ayaa beeniyay in xoog lagu rarayo qaxootiga, waxaana uu sheegay in qaar badan oo ka mid ah ay rabaan ku laabashada dalkooda.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Kenya ayaa hadalo is khilaafsan ka sheegay xiritaanka ay dowladooda la damacsan tahay xeryaha Dhadhaab.