Kenya oo beenisay eedeyn loo jeediyay

0

Dowladda Kenya ayaa beenisay war ka soo yeeray Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International, kaas oo ku aadanaa Kenya in Qaxootiga Dhadhaab ay ku qasbayso in ay  ku laabtaan dalkooda.

Afhayeen u hadlay Dowladda Kenya oo lagu magacaabo Eric Kiraithe ayaa sheegay warka ka soo yeeray Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International in uu yahay mid been abuur ah oo sal iyo raad midna aan laheyn.

Waxa uu sheegay Dowladda Kenya in ay ilaaliso xuquuqda ay leeyihiin Qaxootiga Dhabaab, sidoo kalena mar walba ay ku dadaasho sidii ay ugu gar gaari laheyd Qaxootiga.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale waxa uu sheegay Qaxootiga ku soo laabanaya Soomaaliya in ay yihiin kuwo iskooda u soo laabanaya oo aysan aheyn kuwa Dowladda Kenya ay soo qasbeyso.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Kenya ayaa hadalo is khilaafsan ka sheegay xiritaanka ay dowladooda la damacsan tahay xeryaha Dhadhaab.