Jubbaland oo soo gabagabeysay doorashada Aqalka hoose

0

Maamulka Jubbaland ayaa maanta ku dhawaaqay in ay dhameystireen xubnaha Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya oo doorashadooda ay ka socotay Kismaayo maalmihii lasoo dhaafay.

Shantii xubnood ee ugu dambeeysay ayaa maanta lagu doortay Kismaayo.

Mudanayaasha la doortay ayaa kala ah:-

Sahro Xaaji Xuseen

Maxamed Nuur Iftiin

Shambaro C/qaadir Maxamed

Cusmaan Saqaar Ibraahim iyo Yuusuf C/fitaax Maxamed Cali.