Faarax C/qaadir Oo Lasoo Baxay Seeftiisa Labada Af Leh, Kana Billaabay Jowhar Arrin..

0

Magaalada Jowhar waxaa dhowaan gaarey xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo ah shaqsiga kaliya ee sida xoogga ah ugu ololeeya madaxweyne Xasan Sheekh oo saaxiibo dhow ay yihiin.

Warar soo baxaya waxay sheegayaan in Faarax Sheekh C/qaadir uu Jowhar u tagey inuu soo noqdo xildhibaan, isaga oo aan walwal ka qabin inuu helo kursigiisa baarlamaanka.

Faarax ayaa sidoo kale Jowhar u tagey sidii uu u kala gedin lahaa dhammaan xubnaha aan waxbo u tareyn doorashada Xasan Sheekh, wuxuuna halkaasi ka wadaa ololihiisa ugu ballaaran.

Hadaba dhowaan waxaa Jowhar ka billaabaneysa doorashada xubnaha aqalka hoose, waxaana la filayaaa in Faarax oo  xildhibaan ah, iyo xildhibaanno kale oo doorta Xasan Sheekh in halkaasi ay ka yimaadaan.