FAAHFAAHIN:- Khasaare ka dhashay Dagaal ka dhacay Tiyeeglow

0

Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool shalay gelinkii dambe ilaa maanta waxaa ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Dagaaladan oo ahaa kuwa xoogan ayaa labada dhinac waxa ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana Ciidanka Dolwadda ay iska caabin kala kulmeen Dagaalyahanada Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Dowladda ee Gobolka Bakool Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) ayaa sheegay Dagaaladan in ay ku dileen ku dhowaad 40 Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab, isagoo sidoo kale sheegay dhankooda in Dagaalka looga dilay 6 Askari oo kaliya.

Waxa uu sheegay hada in ay ku sugan yihiin afaafka hore ee Degmada Tiyeeglow, sidoo kalena ay wadaan abaabul ku aadan sidii ay gudaha ugu gali lahaayeen Degmada TYiyeeglow oo hada haawaneysa.

Shabaabka weli kama aysan hadlin Dagaalka ka dhacay Degmada Tiyeeglow oo Saraakiisha Dowladda ay sheegeen 40 Dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan in ay dileen.