DHAGEYSO WAREYSI:- Ururka Ahlusunna oo qaatay FM-tii Idaacadda Radiogalgaduud

0

Radio Galgaduud xarunteeda Degmada Guriceel waxa u soo daatay xalay abaaro 10:25 daqiiqo ee fiidnimo, Ciidamada katirsan Maamuka G/dhexe ee Ahlusunna waxayna damiyeen Idaacadda, waxayna ka qaateen Idaacada Fm iyo qalab kale iyaga oo ku qaatay Gaadiid ay wateen.

Lama oga sababta ka danbeysa arintani madaama aysan jirin wax xiriir ah oo ay Maamulka Degmada Guriceel lasoo sameyeen Maamulka Radio Galgaduud.

Radio Galgaduud ayaa ah Idaacad madaxbanaan oo xarumo kuleh Guriceel iyo Dhuusomareeb waana idaacad ay si weyn u dhageystaan Wararka iyo Barnaamijyadeeda Bulshada ku nool Magaalooyinkaas.

Agaasimaha ku xigeenka idaacadda Radiogalgaduud Cabduqaadir Guure Barre ayaa sheegay in ciidanka Ahlusunna ay rarteen qalabkii ay ku shaqeynaysay idaacadda.

Maamulka Ahlusunna ayaa horay u dhibaateeyay wariyeyaasha ka howgalla gobolka Galgaduud gaar ahaan Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb oo ay gacanta ku hayaan.

Radiogalgaduud ayaa horay maamulka ay xireen waxaana dadaal dheer oo ay sameeyeen ururada Saxaafada suurta gashay in lasiidaayo idaacadda.

HALKAAN KA DHAGEYSO