DHAGEYSO FADEEXAD:- “Malaaqeyga ayaa iga dalbaday $5000, wuxuuna igu yiri xaaskeyga iigu dhiib” Waxa yiri…

0

Iyadoo ay iska soo daba dhacayaan musuqa iyo cod iibsiga hareeyay doorashada Soomaaliya ee 2016, ayaa waxaa afka furatay mushara xiildhibaan Aamina Mursal.

Aamina waxay u sharxaneyd kursiga Beesha Waanjeel ee doorashadiisu ka dhaceysay Magaalada Baydhaba, waxayna saxaafadda u sheegtay wixii dhex maray iyada iyo Malaaqa beesheeda.

Aamina Mursal ayaa sheegtay in ergo been ah ay ku aragtay goobtii doorashada, kadibna ay weydiisay malaaqa beesheeda oo ugu jawaabay inay $5000 bixiso, kadibna ay meel waliba u gashay si ay lacagtaasi u hesho, iyadoo sheegtay inay heysto caddeyn ay la wadaagi doonto madaxda dowladda, iyo wakiilada beesha caalamka.

HALKAAN KA DHAGEYSO