DEG DEG:- Madaafiic Xamar ku dhaceysa iyo Xaalada oo kacsan

0

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku soo dhaceen tiro Madaafiic ah.

Madaafiicdan oo ku soo dhacay xaafado ka mid ah Degmada Deyniile ayaa la sheegay in ay soo dhaceen duhurnimadiii maanta, waxaana ay ahaayeen ilaa iyo Saddex xabo.

Bartilmaameedka Madaafiicdan ayaa la sheegay in uu ahaa Garoonka kubada cagta ee Muqdisho Stadium oo ay degan yihiin Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay Madaafiicda la soo tuuray mid ka mid ah in uu ku dhacay guri aan sidaa uga fogeyn Garoonka kubada cagta ee Muqdisho Stadium, waxaana ilaa iyo hada aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay.