DEG DEG:- Idaacad Caan ah oo la xeray iyo Qalabkeeda oo la qaatay

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidanka Ururka Ahlusunna ay xireen idaacadda Radio Galgaduud oo ku taalla Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Ciidamo ka tirsan Ururka  ayaa gudaha u galay xarunta idaacadda waxaana ay qaateen qalabkii ay ku shaqeynaysay idaacadda sida ay sheegeen maamulka radiogalgaduud.

Maamulka Ahlusunna ayaa horay u dhibaateeyay wariyeyaasha ka howgalla gobolka Galgaduud gaar ahaan Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb oo ay gacanta ku hayaan.

Radiogalgaduud ayaa horay maamulka ay xireen waxaana dadaal dheer oo ay sameeyeen ururada Saxaafada suurta gashay in lasiidaayo idaacadda.