DEG DEG AH:- Diyaarado Dagaal oo duqeyay Deegano Katirsan Somaliland

0

Diyaarado dagaal ayaa duqeeyay Saacadihii ugu dambeeyay Deegaanka Bali reer Cilmi oo hoos yimaada degmada oodweyne ee Gobolka Daad-madheedh ee Maamulka Somaali-land.

Taliyaha Booliska oodweyne Maxamed Cali Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay in ay ku sugan yihiin Deegaanka ay Diyaaradaha duqeeyeen ilaa hadda baaritataano ay wadaan, oo aanay hayn war rasmi ah oo ku saabsan Dayaaradahaan iyo halka ay ka yimadeen.

ilaa iminka lama oga qasaaraha ka dhashay duqeynta diyaaradaha aan la ogeyn halkja laga leeyahay ay geysteen walow saraakiisha Somaliland ay sheegeen in ay dib ka soo sheegi doonaan

Dhowr jeer oo hore waxaa diyaarado dagaal ay duqeeyeen Gobolo ka Tirsan Maamulka Somali-land waxaana eedeenta loo jeediyay dowladda wadanka Jabuuti.