DAAWO MUUQAAL:- Maxay tahay Sababta Musharax Madaxweyne Cali Xaaji Warsame uu u Tagay Jubbaland ?

0

Musharax Madaxweyne Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa maanta si wayn loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

Soo dhoweynta Mudane Cali Xaaji ayaa waxaa ka qayb galay;­ qaybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland, Golayaasha dawlada Jubbaland, Xildhibaanada labada Aqal ee D/Dhexe, Ku­xigeen ka 1aad ee barlamaanka Jubbaland, Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, Hogaanka dhaqanka iyo dadweyne kale.

Siyaasi Cali Xaaji oo kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland, ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu dalka isbadal balaaran ku sameeyo haddii loo doorto hogaanka dalka, wuxuuna qayb ka yahay Musharixiinta ugu Miisaanka wayn ee loolanka ugu jira hanashada Madaxnimada Soomaaliya.

‘’Ummadda Soomaaliyeed waxay u baahan tahay cid isu keenta, cid walaalaysa, cid dhaqankeedii uso celisa, waxaan qabaa inay muhiim tahay innaan kaso baxdo 26­sano oo ahayd burbur dhaqan, Mid Siyaasadeed, burbur Diin, dhalinyaro iyo Haween, waxaan EEBE uga mahadcelinayaa doorka haweenka Soomaaliyed waxay Soomaaliya ku badbaaday Haweenka’’ Ayuu yiri Mudane Cali Xaaji Warsame.

HALKAAN KA DAAWO

https://www.youtube.com/watch?v=Uab_69EVXZI