Amnesty oo eedeyn kulul kala dul dhacday Kenya & Qaxootiga oo..

0

Heey’adda Amnesty ineetnational oo Dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa Doowladda Kenya ku eedeeysay in ay Qoxootiga ku jira Xeryaha Dhadhaab  ku qabseeyso in ay Dib ugu laabtaan Soomaaliya.

Iyadoo laba isbuuc ay kadhimantahay waqtigii loo qabtay Xirridda xeyaha Qoxootiga Dhadhaab, ayaa saraakiisha doowladda keenya waxaa ay si ulakac ah Qoxootiga ugu qasbayaan in ay dib ugu soo laabtaan Soomaliya oo lagayaabo in ay ku dhaawacmaan ama ay ku dhintaan Goobaha ay isku haystaan Kooxaha Hubeeysan ee iska Soo Horjeeda, ayaa lagu yiri Warbixin ay soo saartay Hey’adda Amnest international.

Doowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday Bishii May ee Sanadkaan in ay Xirreeyso Xeradda Qoxootiga Dhadhaab oo ah Xerro Qoxooti Midda Dunidda ugu weeyn Hoyna u ah in Kabadan 280,000 oo Badankood ay Qoxooti Soomaaliyeed yihiin.

Heey’adda oo soo Hadal qaaday Arrimaha Amaanka, Deegaanka, Dhaqaalaha iyo Taageero La‘aata Bulshadda Caalamka ayaa wxaa ay sheegtay in saraakiisha doowladda Kenya ay Warbaahinta kala Hadleen Qaarkoodna ay Xeryaha Booqdeen iyagoo Dadka ugu Caga jugleeyay in ay Guuraan ka hor Xilliga Xirridda Dhadhaab loo Asteeyay ee 30 Bishaan November.

“ Qoxootiga waxaa lagu Hayaa Dhagax iyo Dhul Adag Inta udhaxeeysa, Saraakiish Doowladda Kenya ayaa Dadka usheegaya in ay ka Baxaan Xaryaha Kahor Dhamaadka Bishaan Hadii kale lagu qasbidoono in ay Baxaan iyagoon wax caawimaad ah la siin” ayuu Yiri Michile kagari oo ah Agaasime kuxigeenka Xafiiska  Heey’adda Amnesty International ee Barriga Africa.

Hee,adda aya waxaa ay shegtay in Dadka ay Wareeysatay ee xeryaha Dhadhaab ay kamid yihiin Labo Wiil oo walaalo ah kuwaas oo Soomaaliya kusoo Laabtay Bishii January ee Sanadkaan Balse Dib ugu Laabtay Dhadhaab  Afar Billood Kadib,  ayna Usheegeen in Aabahood lagu Hordilay intii ay Soomalia usoo Socdeen iyagana Shabaab ay ku qasbeen in ay lashaqeeyaan Balse ay Dirqi ah kusoo Baxsadeen.

Heey,adaha xuquul insaanka ayaa waxaa ay sheegaan in Dadka Gudaha Soomaliya Kubaracay ay Dhanyihiin 1.1 Million oo Ruux, Dadka Kalsoolaabanaya Xeryaha Dhadhaabna ay kuwaas ku Biirayaan Hadii loo Dhameeystirin Tasiilaadka ay u baahanyihiin.

Doowladda Kenya ayaa waxaa ay Horay usheegtay in  Bishaan Dhamaadkeeda ay Xirreeyso Xeryaha Dhadhaab Balse Taasi ayaa waxaa ay umuuqataa in ay Suurta Gal ahayn Xilligaan.