AKHRISO:- Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Magaalada Gaalkacyo

0

Shir looga hadlayo fulinta qodobada heshiiskii nabadaynta ahaa ee la gaaray ayaa saaka la filayaa inuu ka furmo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah C/llaahi Yuusuf Axmed ee magaalada Gaalkacyo.

Wefdi uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa saaka ku soo wajahan Gaalkacyo, waxaana la xaqiijiyay inuu u imaanayo ka qayb galka Shirka.

Maamulka Cadaado ayaa fulin la’a qodob ku jira heshiiskii la gaaray oo dhigaya in xabada la joojiyo, waxaana Maleeshiyaadka xaafada Baraxleey ay rasaas ku soo furayaan galbeedka Gaalkacyo.

Maamulka Cadaado ayaa ku doodaya in xabad joojinta laga hor mariyo kala qaadista ciidamada, xilli lala socdo iney wali maleeshiyaad ku soo daabulayaan xaafada ay dagan yihiin ee Baraxleey.

Nabadoonada iyo Waxgaradka Puntland ayaa doonaya in Maleeshiyaadka Baraxleey ay xabada joojiyaan, waxaana ay sheegeen in Ciidamadoodu ay ku sugan yihiin dhulkooda oo ay difaacayaan.