AKHRISO:- Dhacdo Taariikhi ah oo 25-sano ka dib ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde!

0

Jabuuti Airlines ayaa maanta soo caga dhigatay Magaalada Muqdisho muddo 25 sano ah ka dib sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Diyaaradda ayaa duullimaadyo  toos ah waxa ay ka bilowday Magaalooyinka Jabuuti iyo Muqdisho, waxaana la sheegay  in ay ka mid noqon doono duulimaadyada Caalamiga ee ka shaqeyn doono garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Jabuuti Airlines, ayaa ka mid aheyd diyaaradaha sababo dhanka amniga ah ugu baaqsaday in ay yimaadaan Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Jabuuti Airlines, ayaa ka qayb qaadan doonta howlaha isu socodka Dadka Soomaaliyeed ee u kala gooshaya Labada Dal ee Walaalaha ah.

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah dowladaha sida aadka ah u lasocda siyaasada Soomaaliya , waxaana ciidamo qeyb ka ah howgalka AMISOM ay ka joogaan Soomaaliya.

Jabuuti Airlines, mahan diyaaradii ugu horreeysay ee duulimaad  heer Caalami ah ka sameysa Soomaaliya.