Dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Caabudwaaq ee udhaxeeyay Maleeshiyo Beeleed walaalo ah ayaa waxaa ka dhashay cabsi soo wajahday shacabka oo ay ugu horeeyaan Birima-Geedada, kuwaasi oo ku barakacay Dagaalka iyo xiisadaha wali taagan.
Dadkaasi ayaa waxaa soo wajahday xaalad adag iyagoona ubaahan gargaar sidoo kalana ay jirto kul baahsan maadama lagu guda jiro Xilli Abaareed Daran.
Saadaad Maxamed waa Aqoonyahay kasoo jeeda Degmada Caabudwaaq haddana ku sugan Magaalada Muqdisho waxa uu lasoo xiriiray Allgalgaduu Media isagaaona ka hadlay Arintaasi kuna baaqay in loo turo Maatida.
Dhinaca kale Aqoonyahanka ayaa ka hadlay siyaasadda udhaxaysa Galmudug iyo Beelaha Waqooyiga Galgaduud waxaana uu qiray in Galmudug ay Dowr wayn ku leedahay dhibaatada ka taagan Waqooyiga Galgaduud.
Waxa uu uwaramay Cumar Laki Man oo kusugan Warqabadka Allgalgaduud Media ee Magaalada Caabudwaaq.