Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjire Yuusuf Garaad

0

Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa maanta guddoomay waraaqda aqoonsiga Danjirennimo ee Wakiilka Somaliya ee Qaramada Midoobay Danjire Yuusuf Garaad Cumar.

Yuusuf Garaad, ayaa sheegay Guddoomista Warqadaha kadib inay yeesheen Mr. Ban kulan gaar ah oo mahadcelin iyo Arimaha Somaliya looga hadlaayay.

Qoraal uu soo dhigay Yuusuf Garaad Bartiisa gaarka ah ayaa wuxuu ku sheegay in arimaha uu uga mahadceliyay Ban Ki-moon inay tahay taageerida Somaliya, dhanka Bini’aadinimada, ammaanka iyo dhanka Siyaasada Intaba.

Ban Ki-moon, ayaa dhinaciisa sheegay Somaliya inay ka soo baxday Marxaladii KMG aheyd, iminkana ay tahay Dowlad, waxaana uu sheegay inay garab taagan yihiin Somaliya.

Wuxuu bogaadiyay horumarka laga sameeyay dalka. Wuxuuna sheegay in howlo badani ay weli harsan yihiin si loo helo xasillooni buuxda iyo Dowladnimo si dhammaystiran u hanaqaadda. Wuxuuna ku celiyay in Qarammada Midoobay ay Somaliya garab taagan tahay.

Yuusuf Garaad ayaa u mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xilkaan u magacaabay, waxaana iminka kadib uu si buuxda u yahay Wakiilka Somaliya u fadhiya Qaramada Midoobay.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa dalalka caalamka waxa ay ku leeyihiin Wakiilo u fadhiya oo halkaasi ku soo bandhiga waxyaabaha dalalkooda ay u baahan yihiin.