XOG RASMI AH:- Siyaasi Caan ah oo loo diyaarinayo inuu la tartamo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Musharaxiin u tashtay Xasan Sheekh

0

Sida lagu qoray warbaahinta Somali Review tobadaadkaan waxaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku kulmay siyaasiin uu ka mid yahay R/wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake kuwaasoo ka arrinsanayay in lasoo saaro musharax awood u leh inuu la tartamo M/weynaha talada wadanka haya Xasan Sh, Max’ud marka la gaaro doorashada dhamaadka sanadkaan ka dhacaysa dalka.

Warkaan waxaa lagu sheegay in siyaasiinta kulmay uu qorshahoodu yahay inay sameystaan isbahaysi kadibna ay soo saartaan hal musharax oo la tartama M/weyne Xasan waxaana boga aanu warkaan ka xiganayno ee Somali Review uu leeyahay waxaa ilo lagu kalsoonyahay ay xaqiijinayaan in shirkii ugu dambeeyay looga hadlayay in la xulo musharaxa ay dooranayaan.

Siyaasiintaas waxaa ka mid ah sida warkaan lagu sheegay musharaxiin uu ka mid yahay Cumar C/raxmaan Cali Sharmaake Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, C/raxmaan C/shakuur iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan madaxweynaha maamulka K/galbeed Soomaaliya waxaana wararku intaas ku darayaan in kulankaan uu dabo socdo shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Abu Dhabi ee dalka isku taga imaaraatka Carabta.

Musharaxiintaan ayaa qaada dhigay taageerada ay uga baahan yihiin dawladaha taageera Soomaaliya gaar ahaan wadamada Carabta oo xilligaan galaan gal siyaasadeed ku leh Soomaaliya.

Bogaan waxaa lagu qoray waxaa lagu qoray war kasoo baxay wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Micheal Keating oo sheegay inuu aad uga walaacsanyahay in lacago laaluush ah lagu baxsho codadka doorashada madaxtinimada Soomaaliya.

Xogo la helay ayaa sheegayaa in dawlado ajanabi ah ay musharaxiin ay taageersanyihiin siiyeen lacag dhan 50 million oo dollar si ay doorashada uga qeyb galaan.

Dawladahaas iyo shaqsiyaadka ay siiyeen lacagta midna warkaan laguma sheegin. Xigasho, webka Somali Review…