WAR DEG DEG AH:- Wariye Caan ah oo lagu Xeray Magaalada Kismaayo

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka ammaanka maamulka Jubbaland ay xabsiga dhigeen mid ka mid ah wariyeyaasha ka howgl gala Magaalada Kismaayo.

Ciidanka Nabadsuggida maamulka Jubbaland ayaa xiray Wariye Cumar Yasiin Cumar oo tvga Puntland uga soo Warami jiray Magaalada Kismaayo.

Wariyaha ayaa lagu eedeeyay in uu baahiyay warar sheegaya in ciidamo gadoodsan  oo ka tirsan maamulka Jubbaland ay la wareegeen xarunta doorashada Aqalka Hoose ay ka socota ee Magaalada kismaayo.

Wariyaha ayaa ku xiran xarunta Nabad sugida maamulka Jubbaland.