WAR DEG DEG AH:- Maleeshiyaadkii ku Dagaalamay Gobolka Galgaduud oo la kala qaaday

0

Maamulka Galmudug ayaa ku guuleestay inuu kala qaado Maleeshiyaad isku hor fadhiyay Tuulo Jilib oo kutaala Gobalka Galgaduud halkaas oo xiisad Colaaadeed saaka ay ka taagneed.

Tuulo Jilib shalay waxaa ku dagaalamay Maleeshiyaad ka soo kala Jeeda Deegaanada Xeraale iyo Balambale waxana ka socda Tuuladaasi dadaalo kale oo lagu xaqiijinayo Amaanka.

Xabad joojinta ka dhaqangashay Tuulo Jilib ayaa si wada jir ah waxaa kaga qeeb qaatay Maamulka Galmudug,Culuma’udiin,Waxgarad iyo Odayaal Dhaqameed.

Gudoomiyhe ku xigeenka Dagmada Balambal  C/risaaq Axmad Xalane oo la hadlay Idacadda Kulmiye ayaa sheegay in lakala qaaday Maleshiyaadkii is hor fadhiyay sidoo kalana lagyu balamay in lagu dhawaaqo Xabad joojin.

Gudoomiyhe ku xigeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in la isku Afgartay sidii loo wadaagi lahaa Daaqa iyo Biyaha maadama Tuulada lagu dagaalamay uu Roob lagu diirsaday uu ka Da’ay kol sii horeesay.