WAR DEG DEG AH:- Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xaruntii doorashada Aqalka Hoos ee Kismaayo

0

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan ay la wareegeen xaruntii ay ka dhaceysay doorashada Aqalka Hoose, iyadoo ay socdaan wada hadalo la doonayo in ciidamada hubeysan ee xarunta la wareegay looga dhaadhiciyo inay ka baxaan.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamadan oo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland ayaa ka cabanaya mushaar la’aan, waxayna saaka si lama filaan ah u tageen xaruntii maalmaha ay ka socotay doorashada Aqalka Hoose, halkaasoo ay gebi ahaan isku gadaameen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay dadaalo ugu jiraan sidii ciidamada gadoodsan loogu qancin lahaa inay isaga baxaan xarunta, si maanta doorashooyinka aqalka hoose uga dhacaan.

Lama soo sheegin wax isku dhaca ah oo dhex maray ciidamada gadoodsan iyo ciidamadii sugayay ammaanka xarunta, waxaana magaalada Kismaayo laga dareemay gadoodka ay sameeyeen ciidamo ka tirsan Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugan Musharaxiin fara badan oo ordaya kursiga Xildhibaanimo ee Aqalka Hoose iyo ergooyin fara badan oo dooraneysa, waxaana maalmihii la soo dhaafay magaaladaas lagu doortay Xildhibaano gaaraya 20 xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Hoose.