QM oo ka digtay xasuuq ka dhacaya Koofurta Sudan

0

La taliyaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ka hortaga xasuuqa, Adama Dieng, ayaa sheegay in ay jirto khatar ah in dagaallada qowmiyadaha ku salaysan ee dalka South Sudan ay horseedi karaan xasuuq.

Dagaal sokeeye oo dagaalka ka bilowday muddo hadda laga joogo ku dhawaad saddex sano, ayaa waxaa inta badan uu ahaa mid u dhexeeya qowmiyadaha dalkaasi.

Adama Dieng ayaa dhawaan booqasho ku tegay dalka South Sudan, waxaana muuqata in uu ka walaacsan yahay wixii uu halkaa kusoo arkay.

Sarkaalkan Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa weriyayaasha Juba ugu sheegay in ay jiraan dilal iyo kufsi qabiil salka ku haya, qoysas badan oo nafta looga jaray baangado, iyo tuulooyin dhan oo dab la qabadsiiyay.

Waxa uu sheegay in wadahadalada nabada ee hakad galay, xaaladda bani’aadannimo ee dalkaasi ka taagan, dhaqaale xumida iyo hubka kusoo qulqulaya dalkaasi, ay dhammaantood muujinayaan in dagaalka South Sudan uu kasii darri doono.

Adama Dieng ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga hortago xasuuq ka dhici kara dalkaasi dhawaan madax bannaanida qaatay.