Qarax weyn oo ka dhacay Saldhig ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Afghanistan

0

Qarax weyn ayaa ruxay Saldhigga Bagram ee ugu weyn ciidamda cirka Mareykanku ku leeyihiin waqooyiga caasimadda Afghanistan ee Kabul, qaraxan ayaa geystay khasaare.

Wakaaladda wararka ee “Khaama” ee gudaha dalka Afghanistan ayaa sheegaysa in saaka xilliyadii hore qarax weyn laga maqlay gudaha saldhigga Mareykanka Bagram.

Qaraxan ayaa dhaliyay Khasaare Nafeed oo soo gaaray ciidamada Mareykanka ee Saldhiga ku leh goobta weerarka uu ka dhacay.

Warbaahinta ayaa sheegaysa in ugu yaraan Afar Askari oo ka tirsan ciidamada dalka Mareykanka inay ku dhinteen weerarkaasi qaraxa ah, halka ay jiraan tiro dhaawacyo oo intaasi ka badan oo ka dhashay qaraxa.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa dhankeeda xustay in Abdul Shakoor Kaddosa oo xukuma saldhigga uu sheegay in dad aan ka yareyn 3 qof ay ku dhinteen, halka ay dhaawacmeen 13 qof oo kale, iyadoo qaraxu uu ka dhacay meel u dhaw goob laga cunteeyo gudaha garoonka Bagram.

War Saxaafadeed ka soo baxay NATO, ayaa lagu xaqiijiyay geerida Afar ruux iyo dhaawaca 14- kale oo ka tirsan ciidamada.