DAAWO SAWIRADA:- Micheal Keating oo gaaray Magaalada Gaalkacyo

0

Wafdi uu hogaaminaayo Wakiilka Qaramada Midoobey  ee arimaha Soomaaliya ayaa goordhow Gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ujeedada uu u tagay Magaalada Gaalkacyo  Wakiilka Qaramada Midoobey Micheal Keating ayaa lagu sheegay in ay tahay in uu qeyb galo wadahalada nabada ee Maanta lagu wado in ay ka furmaan Magaalada Gaalkacyo.

Micheal Keating ayaa la kulmay Madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug , waxaana uu la qaatay kulan horudhaca u ah wadahalada Nabada Magaalada Gaalkacyo.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka socda kulamo kala duwan oo looga hadlaayo colaada Gaalkacyo.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa kulan looga hadlaayo nabada Gaalkacyo oo ay ka qeyb galaayaan Madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug in uu ka furmo Gaalkacyo.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

gaas-1-1 gaas-2 gaas-2-1 gaas-3 gaas-4 gaas-5 gaas-6 gaas-7 gaas-8 gaas-9 gaas-10