Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Kenya iyo QM oo meel Xun gaaray iyo Mucaaradka Kenya oo soo saaray go’aano adag

0

Hoggaamiyayaasha Mucaaridka Dalka Kenya ayaa dowladda waddankaasi ka dalbaday kadib markii Warbixin ay soo saareen Kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo Eritrea ay sheegeen in Ciidanka Kenya ee Soomaaliya ay saami ku leeyihiin dhuxul laga dhoofiyo Dekadda Kismaayo.

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kenya Raila Odinga.ayaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ugu baaqay in Ciidanka Kenya uu ka saaro Soomaaliya si ay meesha uga baxdo fadeexadda lagu eedeeyay Ciidanka Kenya.

Qaramada Midoobey waxaa ay sheegtay in Ciidanka Kenya ay Sanadkiiba $12 Milyan oo Doollar ka qaataan Kismaayo,taas oo ka soo gasha dhuxusha laga dhoofiyo magaalada,waxaana ay warbixinta muujisay in Kiishkii Dhuxul ahba ay Ciidanka Kenya ku leeyihiin $2 Doollar oo lacagta Mareykanka ah.

Hoggaamiyayaash Mucaaridka ah ee taladaasi siiyay Kenyatta waxaa ka mid ah John Mbadi, Eseli Simiyu, Mutula Kilonzo, Opiyo Wandayi, . Timothy Bosire  iyo Jakoyo Midiwo.

Khilaafka Kenya iyo Qaramada Midoobey waxaa kale oo uu ka jiraa dalka Koofurta Suudaan ,kaas oo sababay in ay Kenya Ciidankeeda kala baxdo dalkaasi kadib markii Qaramada Midoobey ay shaqada ka ceyrisay taliyihii howlgalka nabad ilaalinta ee Q.M ee Koofurta Suudan oo Kenyaan ah laguna eedeeyay gabood fallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.