Golaha ammaanka oo waqti kordhin u sameeyay Kooxda la socodka Cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya

0

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay waqtiga Kooxda Monitoring Group oo dabagasha cunaqabateynta hubka ee saaran dalalka Soomaaliya iyo Eritrea, waxaana la gaarsiiyay ilaa 15 November sanadka 2017.

Sidoo kale golaha amaanka ayaa kordhiyay waqtiga Hayada UN Monitoring Group ay sii shaqeyneyso waxaana la gaarsiiyay 15 December 2017, waxaana ay sii wadi doonaan howlaha loo xirsaaray.

Golaha ayaa dalbaday in hayada lagala shaqeeyaa howlaha ay qabanayaan, waxaana laga dalbaday AMISOM  iney si dhow ula shaqeyso hayada UN Monitoring.

Golaha ayaa waxay ku celiyeen musuq maasuqa ka jira dalka iyo in mamnuuc tahay dhoofinta dhuxusha oo ka socota magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Golaha waxay sidoo kale sheegeen iney si weyn uga warhayaan warbixinada musuq maasuqa, iyaga oo ku baaqay in laga shaqeeyaan nabad galyada iyo xasiloonida dalka.

Ugu dambeyn golaha ayaa ka dalbaday dowlada Eritrea iney u ogolaato hayada UN Monetoring helitaanka warbixinada ay kamid yihiin ogaanshaha heerka dhaqdhaqaaqa hubka iyo musuq maasuqa dalkaasi.