Dowladda Shiinaha oo sheegtay iney ka go’an tahay wax ka qabashada Cimilada

0

Dawladda Shiinaha ayaa balan qaaday in ay sii wadi doonto dagaalka ay ugu jirto wax ka qabashada cimilada adduunka ee sii kululaanaysa.

Waxayna sheegtay in aysan wax saamayn ah ku yeelan doonin sida uu dalka Maraykanku u wajaho xaaladda isbadalka cimilada adduunka marka uu talada la wareego madaxwaynaha la doortay Donald Trump.

Xubin ka mid ah ergada Shiinaha uga qayb galaya wadahalka Marocco ka socda ayaa sheegay in Beijing ay door muhiim ah ka sii ciyaari doonto wax ka qabashada isbadalka cimilada.

Bishii sagaalaad Shiinaha iyo Maraykankuba waxay sheegeen in ay taageersan yihiin heshiiska Paris ee looga golleeyahay in lagu dhimo sii kululaanshaha cimilada adduunka.

Laakiin Trump ayaa isbadalka cimilada adduunka ku tilmaamay wax aan waxba ka jirin sidaad daraadeedna waxaa jira walaac laga qabo in Washington ay ka noqoto go’aan keedii hore marka uu xilka la wareego madaxwaynaha la doortay.