Donald Trump oo ka laabtay waxyaabihii uu balanqaaday intii uu ololaha ku jiray

0

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa ka laabtay dhowr ka mid ah balanqaayadii uu sameeyay intii uu ku jiray Ololihii adkaa ee doorashada.

Wareysigii u horeeyay ee uu siiyay Wargeyska Wall Street Journal ayuu ku sheegay in aanu meesha ka saari doonin barnaamijkii Obama Care, kaasoo horay uu u sheegay in gebi ahaanba meesha ka saarayo

Mr Trump ayaa horay ugu tilmaamay barnaamijka Obama Care mid musiibo ah, iyadoo fikirkiisa ay la qabeen Madaxda Xisbiga Jamhuuriga.

Barnaamijka Obama Care oo ah barnaamij adeeg caafimaad oo qiimo ahana ay awoodaan shacabka Mareykanka.

Donald Trump ayaa sheegay inuu aad u jecel yahay barnaamijkaas, isla markaana uu qeybo ka mid ah aanu meesha ka saari doonin.

Mr Trump ayaa la xusuustaa intii uu ku guda jiray ololaha doorashada inuu sameeyay balanqaadyo kala duwan, kuwaasoo kala ahaa in Muslimiinta aanu ogolaan doonin in Mareykanka soo galaan, in darbi weyn ka dhisayo xuduuda Mexico iyo qodobo kale.

Banaan baxyo looga soo horjeedo Donald Trump ayaa ka socda magaalooyin ku yaalla Mareykanka, iyadoo meelaha qaar ay rabshado ka dhaceen.