DHAGEYSO:- Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku Xiran India oo loo ogolaaday Racfaan

0

Maxkamad ku taalla dalka India ayaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku eedeeysan falal burcadbadeednimo waxa ay u ogolaatay in ay qaataan racfaan .

Dowladda India  ayaa horay diiday in dhalinyaradaasi lasiiyo racfaan , waxaana 50 ka mid ah ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Dowladda India ayaa sheegtay in dhalinyarada loo ogolaaday racfaanka ay gaarayaan ku dhawaad 117 qof oo dhammaan lagu soo oogay in ay ku luglahaayeen falal burcadbadeednimo.

Dowladda india ayaa dhawaan sheegtay in qeybo badan oo ka mid ah dhalinyaradaasi ay ku xukuntay dil toogasho ah , waxaana arintaasi si weyn uga xumaaday madaxda dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale bulshada Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan.

Dhalinyarada ayaa waxa ay muddo badan ku xirnaayeen  dalka India waxaana la sheegaya in qaarkood ay xabsi kala kulmeen dhibaatooyin kala duwan.

Ciidamada Ilaalada xeebaha dalka India ayaa dhalinyaradaan gacanta ku dhigay sanadkii 2011 kii , waxaana waqtigaasi ay gaaraayeen 120 , mid ka mid ah dhalinyarada ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay xabsiga , ka dib markii ay soo wajaheen cuduro kala duwan uusana helin daryeel Caafimaad.

Hoos ka Dhageyso Codka:-