DHAGEYSO:- Taliska Ciidamada Degmada Luuq oo sheegay gurigii Al-Shabaab lagu qabto in ciidamada ay la wareegayaan

0

Diyaad Cabdi Kaliil Taliyaha Saldhiga Degmada Luuq, ayaa ku amray Bulshada ku nool Magaaladaasi inay soo diiwaangeliyaan qofkii cusub e ku soo kordha Xaafadahooda.

Taliyaha ayaa sheegay sababta arintaan looga gol leeyhaya inay tahay xaqiijinta ammaanka Degmada Luuq iyo in la koontaroolo cida ku soo korodha Magaaladaasi.

Diyaad ayaa wuxuu sheegay qofkii aanan soo sheegin qof cusub oo gurigiiosa ku soo kordha in Maamulka uu qaadi doono tallaabo ku aadan in gurigia lagala wareego reerkaasi.

Xaalada Degmada Luuq ayaa ah mid degan, mana jirin falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo laga soo sheegaayay maalmahan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-