DHAGEYSO:- Siyaasiyiin Caan ah oo ku tartamaya doorashada Maanta ka dhaceysa Magaalada Cadaado

0

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in maanta ay dhaceyso doorashada 8 kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kaddib markii maalinimadii Khamiistii la doortay saddexdii kursi ee ugu horeeyay ee xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Galmudug.

Guddiga doorashada dadban ayaa sheegay inay diyaar yihiin 19-kursi oo ay u tartamayaan Musharaxiin dhowr ah oo isa soo diiwaan geliyay, kuwaasoo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa, waxaana maalmaha soo socda lagu tartami doonaa kuraasta aqalka Hoose.

Illaa 51 ergo ayaa dooran doonta kursi walba oo ka tirsan Aqalka Hoose, iyadoo Musharaxiinta ay ugu jiraan dadaalo ay ku doonayana inay ku kasbadaan cododka ergooyinka, waxaana ka marneyn dhaqaale aad u fara badna oo lagu bixinayo.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa ka socda olole aad u xooggan, iyadoo magaalada mashquul badan iyo saxmad uu ka jiro, iyadoo todobaadyadii la soo dhaafay ku qul qulayeen Musharaxiin u ordaya Kursiga Aqalka Hoose iyo dadka u ololeynaya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-