DHAGEYSO:- Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Arrimo Xasaasi ah, kuna baaqay in la joojiyo dagaalka Gaalkacyo

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay shacabka kunool Magaalada Gaalkacyo in ay u diyaargaroobaan nabad ka dhalata Magaalada Gaalkacyo oo maalmihii lasoo dhaafay dagaal uu ka jiray.

Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay in aysan jirin cid qabsan karta Gaalkacyo labada maamul sidaas darteedna ay haboon tahay in lagu wada noolaado Nabad iyo horumar.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin nabad buuxda oo ka dhalata Gaalkacyo , islmarkaana shacabka Magaalada Gaalkacyo looga baahan yahay in ay taageeraan heshiiska nabada ee maanta lagu gaaraayo Gaalkacyo.

Muddo ku dhow hal bil ayaa Magaalada Gaalkacyo , waxaana ka dhacaayay dagaalo culus oo u dhaxeeya ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dhowr heshiis oo ay wada gaareen labada madaxweyne ayaa fashilmay , waxaana maanta lagu wadaa  in ay markale  ku kulmaan Gaalkacyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-