DHAGEYSO:- Jubbaland oo beeniyay iney Ciidamo gadoodsan ay la Wareegeen Xaruntii Doorashada Aqalka Hoose ee Kismaayo

0

Iyadoo Saakay ay soo baxeen Warar sheegaya in Ciidamo ka tirsan Jubbaland ay la Wareegeen Xarunta doorashada Aqalka Hoose ee Kismaayo ayaa Saraakiisha Ciidanka Booliiska Jubbaland waxa ay beeniyeen wararkaasi.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska ee Jubbaland Jaamac Xasan Axmed ayaa sheegay in wararkaasi ay been abuur yihiin isla markaana aysan jirin in Ciidamo gadoodsan ay la Wareegeen Xarunta doorashada Aqalka Hoose ee Kismaayo.

Waxa uu sheegay in Ciidanka Jubbaland ay dhawaan qaateen Mushaarkooda iyo Wixii ay xuquuq u lahaayeen isla markaana aysan jirin ciidan Mushaar la’aan ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-