DHAGEYSO:- Howlgal hub iyo dad lagu soo qabtay oo Magaalada Baladweyne ka dhacay

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howgal ay ka sameeyeen  Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan  waxa ay gacanta ku soo dhigeen  hub  iyo dad la tuhmaayo inay Shabaab ka tirsan yihiin, kadib howlgalo amni xaqiijin ah oo laga sameeyay Magaalada Baledweyne.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay Xaafada Buundo weyn ee Magaalada Baledweyne, waxayna ciidanka soo qabteen qoryo gaaraya 9 Qori oo nooca Ak-47 ah iyo Bistoolado.

Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliya Qaybta Gobolka Hiiraan Maxamed Cumar Cabdulle oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay baaritaan in lagu haayo 9-ka ruux ee ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay howgal waxa ay ka wadeen Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-