DHAGEYSO:- Guuleed iyo Gaas oo Maanta Magaalada Gaalkacyo lagu heshiisiinayo

0

Wararka ka imanaya Gobolka Mudug waxa ay sheegayaan iney soocto qaban qaabadii ugu danbeysay ee loogu jiro furitaanka wadahadal toos ah oo dhexmaraya Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Maanta ayaa lagu wadaa inay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ku kulmaan Madaxweynayaasha Maamullada Puntland iyo Galmduug,si ay uga wada hadlaan dagaalka Gaalkacyo.

kulankan ay ku ballansan yihiin Labada hoggaamiye C/wali Maxamed Cali iyo C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa waxaa la filayaa in ay goob joog ka ahaadaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha Jubbaland, Golaha Abwaanada iyo Aqoon yahanno iyo wax garadka Labada dhinac.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Arrimaha Soomaaliya, Micheal Keating ayaa lagu wadaa inuu kulanka ka soo qayb galo, maaddaama uu isagu iclaamiyay in Labada dhinac ay Jimcaha isugu yimmaaddaan Gaalkacyo, xilli uu Toddobadii Bishan kulan kula qaadanayay Magaalada Boosaaso C/wali Gaas.

kulanka lagu dhex-dhexaadinaya Labada dhinac, ayaa inta badan diiradda lagu saari doonaa sidii loo joojin lahaa Colaadda Gaalkacyo oo geysatay qasaara isugu jira dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo Barakac xooggan.

Guuleed iyo Gaas ayaa labaduba la filayaa in Magaalada Gaalkacyo tagaan Gelinka Danbe ee Maanta, Wararka qaar ayaa sheegay iney suura gal tahay in wadahadalka tooska ah ay dib udhacdo ilaa beri.

Lama oga sida ay ku dhaqan gali karto xabad joojinta la doonayo in lakala dhex dhigo labada Maamul, Maadaama ay dhowr jeer oo hore burburtay.

Dagaalka Gaalkacyo waxaa ku dhintay dad gaaraya 100 Ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo qaar kamid ah dadka shacabka ah ee lagu dul dagaalamay, Sidoo kale waxaa ku barakacay dad gaaraya 70,000 Kun oo hada maciinsaday ku noolaanshaha duleedyada Gaalkacyo.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ayaa umuuqdo kuwo aan utureynin Dadka maatada ah ee ku nool Gaalkacyo, Maadaama iyaga Caruurtooda ay meel nabadgelyo ku hubsadeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-