DHAGEYSO:- Faah faahino ka soo baxaya dagaalo Culus oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaaya dagaal culus oo shalay ilaa xalay ka dhacay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Xeraale iyo sidoo kale Balanbal ee gobolka Galgaduud , waxaana uu u dhaxeeyay labo maleeshiyo beelood oo wada degan gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa socday Waqti dheer , waxaana la sheegaya in ay ku dhinteen 6 qof ,halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 15 qof sida ay sheegeen Qaar ka mid ah waxgaradka Galgaduud oo la hadlay warbaahinta.

Gudoomiye kuxigeenka degmada Balanbale Cabdirisaaq Axmed Xalane ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo dheeri ah oo ay ku doonayaan in ay ku hakiyaan  dagaalka kasoo cusboonaaday gobolka Galgaduud , gaar ahaan xeraale iyo sidoo kale Balanbale.

Waxaa uu sidoo kale sheegay dadka ay dirirto u dhaxeysay in ay yihiin dad reer guuraa ah , islamarkaana goobta ay ku dagaalamay ay roob ka degeen.

Xiisad u dhaxeysa Maleeshiyo beeleedkii dagaalamay ayaa saaka ka taagan degmooyinka Balanbale iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Hoos ka Dhageyso Codka:-